|
|
Gobolka Banaadir oo ku dhawaaqay dib u howlgelinta isbitaalka weyn ee Laasereeti
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Maxamuud "M.Dheere" markuu arkay baahida loo qabo in dib loo howlgeliyo isbitaalka Laasereeti, markuu arkay rabitaanka hooyada iyo dhalaanka Soomaaliyeed ee u baahan daryeelka caafimaadka guud, isla markaasna tixgeliyay codsiga isbaheysiga haweenka Soomaaliyeed ee GOGWO ee ku taariikheysan 1/11/2007 kuna saabsaneyd dib u howlgelinta isbitaalkan wuxuu soo saaray go'aankan.... |
|
Daawo Maamulka G/Banaadir oo fashiliyay miino lagu aasay Suuqa Dayax
Guddoomiye ku xigeenka Gobalka Banaadir ee dhinaca arrimaha amaanka Md. C/Fitaax Ibraahim Shaawey oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta maamulka Gobalka Banaadir ayaa sheegay in ciidamada amaanka Gobolka Banaadir ay ku guuleysteen in ay soo saaraan walxaha qarxa oo kooxaha nabad diidka ah ku aaseen agagaarka Suuqa Xoolaha ee Dayax.... |
|
Marxab Marxab Mudane Nuur, Marxab Marxab Mudane Yuusuf
Dhab ahaan dadka u kuur gala hannaan socodka siyaasadda dalka Soomaaliya, waxay faaqidaad dheeri ah ka bixiyeen dabeecadaha hab dhaqan ee Mudahaan, waxayna sheegeen inuu yahay nin leh hab dhaqan wanaagsan, dabeecad fiican, kuna sifoobay waddaninimo, dal jacayl, aaminnimo, wuxuuna mar walba jecel yahay inuu gaaro go’aan aad looga tashaday oo laga fiirsaday.... |
|
Daawo Guddoomiye kuxigeenka Gobolka oo dhagax dhigay dhisme goob muhiim u ah bulshada
Guddoomiye kuxigeenka Gobolka Banaadir ee dhinaca arrimaha bulshada Md. Maxamed Cusmaan Cali "Dhagaxtuur" ayaa maanta dhagaxii ugu horeeyay dhigay dhismaha derbi weyn oo lagu gadaamayo dhinaca badda ee laabadka wadada ka tagta Hotelka Curaba ee u leexata Kawaanka Malaayga, wadadaas oo derbi ku yiilay dhinaca badda oo difaac u ahaa dariiqaas uu ka dumay, kadibna ay dhacday in dhowr jeer gaadiidka mara wadadaas uu ku hoobto badda.... |
|
DAAWO SAWIRO XIISO LEH oo Howlgal lagu Nadiifinayo Suuqa Bakaaraha
Gudoomiye guxigeenada Duqa Magaalada Muqdisho ayaa hor kacayey olole nadaafadeed ka bilowday maanta magaalada Muqdisho, kadib markii ay caddaatay inay soo afjarmeen hawlo lagu sugayey ammaanka gudaha suuqa weyn ee Bakaaraha iyo nawaaxigiisa iyo qaybo ka tirsan degmooyinka G/Banaadir, waxaana maanta si rasmi ah uga bilowday wadooyinka waa weyn ee gala suuqa weyn ee Bakaaraha olole nadaafadeed oo wax loogu qabanaayo bilicda Magaalada Muqdisho.... |
|
Dhul ku yaal degmada Hodan oo dan guud loola wareegay
Wareegto ka soo baxday xafiiska maamulka Gobolka Banaadir ayaa lagu sheegay in maamulka Gobolka Banaadir uu la wareegay dhulalka danta guud ee ku yaal degmada Hodan gaar ahaan dhul ay horay u lahaan jirtay mashruucii Goasha iyo Gandiga iyo dhulkii mashruuca digaaga, waxayna wareegtada u qorneyd sidan:... |
|
Habka sharci geynta maxaabiista xabsiyada gobolka Banaadir oo la soo bandhigay
Xarunta maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa manta lagu qabtay shir aad u weyn oo looga hadlayey xaaladda amniga iyo habka sharci geynta maxaabiista Gobolka Banaadir, iyadoo shirkaas ay ka soo qeyb galeen mas’uuliyiin ay ka mid yihiin taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Gen. Cabdi Xasan Cawaale "Qeybdiid", Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Maxamuud "M.Dheere", Gen. Nuur Maxamed Maxamuud "Nuur Shirbow", Guddoomiye ku xigeenada Gobolka, Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir Dr. Xaashi Cilmi Nuur, Taliyeyaasha qeybaha Booliska, kuwa saldhigyada iyo Guddoomiyeyaasha 16-ka degmo ee Gobolka Banaadir.... |
|
Guddoomiye M/Dheere: “Maxbuuska xeran sifa kasta halagu heystee wuxuu xaq u leeyahay in 48 saac kadib maxkamad la soo taago
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho Md. Maxamed Cumar Xabeeb “M.Dheere” ayaa sheegay in go’aankan uu ku soo aaday mudo 14 maalmood ah oo ay subax walba yeelanayeen shirar, warbixino iyo u guur galid qaabka nabadgelyo iyo maxaabiista ku jirta 18-ka saldhig iyo xabsiga hoggaanka xisbiga ee gobolka Banaadir iyagoo gabagabadii maanta go’aansaday in 48 saac kadib maxbuuska xeran la soo taago maxkamad hadii uu danbi yeesho ku fulisa sharciga hadii lagu waayana loo soo celiyo xorriyadiisa sida uu qabo dastuurka Federaalka.... |
|
Guddoomiyaha degmada Yaaqshiid oo u geeriyooday dhaawac ka soo gaaray qarax miino
Dhaawac xoogan oo saakay soo gaaray Guddoomiyihii degmada Yaaqshiid marxuum Cabdi Miiney ayaa 1:00 duhurnimo ku geeriyooday isbitaalka Keysaney kadib markii saakay abaarihii 10-kii barqanimo inta u dhaxeysa isgoyska Sanca iyo Afarta Jardiino oo gaari uu saarnaa miino nooca gacanta laga hago ah kula qaraxday gaarigiisa iyo mid kale oo ay saarnaayeen ilaalo la socotay.... |
|
|
Previous | 1 | 2 | 3 | 4 | 5 | 6 | 7 | 8 | 9 | 10 | 11 | 12 | 13 | 14 | 15 | 16 | 17 | 18 Next |
|
|